Guddoomiyaha magaalada Washington oo ku biiray dibadbaxyada maalintii 12-aad ka socda Mareykanka

0
128

Duqa magaalada Washington Muriyel Bowser ayaa markii ugu horaysay waxaa uu qayb ka noqday dadka caraysan ee maalinkii 12-aad halkaas ka wada isu-soo baxyada rabshadaha wata ee ka socda magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan dalka Mareykanka.

Muriyel oo fagaare kula hadlay la hadlayay kumanaanka kun ee wadooyinka caasimadda taaagan ayaa u sheegay in isaga oo qayb ka ah dadka qaboowga taagan ay iska caabiyeen ciidamada booliska ayna magaalada ka saareen.

Sida uu daabacay wargeyska Washington Post, guddoomiyaha ayaa waxa uu muujiyay in uu aad uga xun yahay dilkii George Floyd, isla markaana uu qayb kasii ahaan doono dadka talaabadaas kasoo horjeeda.

Dhanka kale ciidamo militeri ah oo ayaa soo buux dhaafiyay duleedka magaalada Washington, iyaga oo Amar un ka sugaya madaxweyne Trump, si ay awood ugu adeegsadaan kala eryidda banaanbaxayaasha.

Maalinkii 12-aad ayey gubanayaan 50-ka maamul goboleed ee uu dalka Mareykanku ka kooban yahay, welina ma jiraan dadaalo xal loogu raadinayo kacdoonada sii xoogeysanaya ee ka dhashay dilkii George Floyd oo ahaa nin madow ah, kaas oo askari boolis caddaan ah uu si ula kac ah u dilay, kadib markii uu luqunta mudo uga hayey jilibkiisa.