Kulamo udhaxeeyey Maamulka G.Hiiraan iyo Masuuliyeenta DDS Oo Najiito La’aan kusoo dhamaaday

0
159

Dadaalla dhowrkii cishe ee ugu danbeyay ka socday Magaalooyinka Baladweyne iyo Degmada Feerfeer  oo xal loogu raadinayay sidii heshiis dhab ah looga gaari lahaa dagal beeledya dhawaan ka dhacay degaana hoos yimaada degmada fer feer ee Gobaka Hiiraan ayaa natiijo la’aan kusoo dhamaday sida ay sheegayaan warar ay heshay idaacada Hiiaanweyn.

Kulama shalay ka bilowday Degmada FeerFeer oo u dhaxeyay masuliyiin kala matalayay Hirshabeelle iyo dowlada degaanka ayaa waxa maanta ku biiray wafdi uu horkacayay gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, waxana la isla qaatay qaatay in la tago beerihii ay ka bilaabatay colaadda u dhaxeysa laba beelood oo walaala ah.

wararka ayaa sheegaya in madaxdii ka socotay dowlad gobaleedka hirshabelle iyo ismamaulka soomaalida Itoobiya  iyo dadkii kale ee qeybta ka ahaa heshiiska ay isku fahmi waayen habka loo marayo heshiiska beelaha walaalaha ee dirirtu dhexmartay.