Madaxweynaha Eritrea oo gaaray dalka Sudan xilli uu Gobolka ka jiro khilaaf culus.

0
97

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta gaaray magaalada Khartoum ee dalka Sudan, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho seddax maalmood ah, kaddib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Golaha Sare ee dalka Sudan Gen. Abdelfatah Burhan.

Booqashadan ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah oo gobolka ay hareysay siyaasado is diidan, waxaana la saadaalinayaa in markii u horeysay dalalka Gobolka ku kala qeybsamaan dano kala duwan.

Arrintan ayaa soo shaac baxday markii dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea oo isbaheysi ah ay u kala codeeyeen dalalka Kenya iyo Jabuuti oo ku tartamay kursiga aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, kaas oo Kenya ay ku guuleysatay.

Madaxweyne Isaias ayaa waxaa wafdigiisa ka mid ah La-taliyihiisa rug-cadaaga ah Yemane Gebreab iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Cusmaan Saalax, waxayna haatan wadahadallo la leeyihiin Madaxweynaha Golaha Sare ee dalka Sudan Gen. Abdelfatah.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlaya sidii ay diiradda u saari lahaayeen xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo adkeynta dadaallada socda, sida iskaashiga gobolka iyo is dhex galka.

Isaias Afwerk oo saaxib dhow la ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa booqashadiisa Sudan waxay ku soo aadeysaa, xilli dalalka Sudan, Itoobiya iyo Masar ay u dhaxeyso xiisad ka dhalatay biyo xireenka ay Itoobiya ku sameyneyso Wabiga Nile, kaas oo ay dooneyso inay dhowaan daah-furto, halka dalalka Masar iyo Sudan ka biya diidsanyihiin.

Ethiopia ayaa sheegtay inay bisha July billaabi doonto buuxinta biyo-xireenka. Masar ayaa rumeysan in haddii qaar ka mid ah biyaha Nile loo leexiyo biyo-xireenka ay yareyn doonto biyaha soo gaara, maadaama webiga uu yahay isha ay Masar ka hesho 90% biyaha laga is ticmaalo dalkeeda.