Madaxweyne Trump oo culeys kala kulmaya Baraha Bulshada kahor loolankiisa Doorashada

0
109

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ah nin si weyn uga fogaado la hadalka Warbaahinta, taa badalkeed waxa uu aad u adeegsadaa Baraha Bulshada oo uu soo dhigo hadba fariinta uu doonayo in uu dadka la wadaago.

Mareykanka waxaa ka socda ol-olaha Doorashada dalkaas, siyaasiyiinta ayaa aad u istcmaalaya baraha Bulshada, maadaama dadka aysan isu soo bixi Karin sabab la xiriirta faafitaanka cudurka Covid-19.

24-kii saac ee lasoo dhaafay Madaxweyne Trump waxa uu culeys kala kulmay Shirkadaha Facebook iyo Twitter oo uu aad u adeegsado, waxa ay ku kala qabsadeen labo marxalado oo kala duwan.

Shirkadda Facebook waxa ay ka saartay muuqaal uu kusoo daray Calaamadda Naaziyiinta adeegsan jireen ee saddex geesoodka ah, arrintaas waxaa loo arkay in ku durayo kooxaha bidixda fog ee la loolamaya.

Twitter, dhankeeda waxa ay ka saartay Muuqaal uu soo dhigay saacadihii lasoo dhaafay, sababtu waxaa ka dhex muuqday labo carruur oo midkood madow yahay halka kan kale uu cad yahay, isla markaana kan Madow la bursanayo.