QIIMAYN: Sidee Ayey U Kala Muhiimsanaayeen Kulamadii Liverpool Ee Xili Ciyaareedkan,

0
120

Liverpool waxa ugu dambayn ay ka baxday abaartii iyo inkaartii ka haysatay hanashada horyaalka Premier League oo muddo soddon sannadood ah ay kari weyday inay ku guuleysato.

Jurgen Klopp ayaa isku habeeyey koox adag oo la timid taatiko ciyaareed oo ka duwan midda horyaalka Premier League, taas oo ku sallaysan dhiiranaan badan, orod aan istaag lahayn, isku-xidhnaan min afka hore, dhexda illaa difaaca iyo arrimo kale oo tababaraha reer Germany uu ka hirgeliyey Anfield.

 

Ciyaartii ugu horreysay waxay ku bilaabatay Norwich oo ay Anfield ku qaabishay, kuna karbaashtay 4-1, waxaana ugu dambaysay Crystal Palace oo ay usbuucan isla Anfield, ahaydna kulankii u go’aamiyey inay horyaalka hanteen.

Qiimayn lagu sameeyey qaabka ay u kala muhiimsanaayeen ciyaarihii Liverpool ay yeelatay xili ciyaareedkan oo ah 31 kulan, waxa kaalinta koowaad kaga soo baxday kulankii ay guusha weyn kaga gaadheen Manchester City bishii November ee sannadkii hore, taa soo ay ku garaaceen 3-1.

Kaalinta ugu liidata ee ugu hoosaysana waa kulankii khasaaraha lama filaanka ah uu kasoo gaadhay ee ay Watford la ciyaareen, taas oo ka hor joogsatay inay soo qabato rikoodhkii Arsenal ee guul-darro la’aanta xidhiidhka ah.

Halkan ka akhriso qiimaynta kulamadii Liverpool ee xili ciyaareedkan iyo sida ay ugu kala muhiimsanaayeen:

31. Watford 3-0 Liverpool | February 29, 2020

30. Everton 0-0 Liverpool | June 21, 2020

29. Manchester United 1-1 Liverpool | October 20, 2019

28. Liverpool 2-1 Bournemouth | March 7, 2020

27. Liverpool 3-2 West Ham United | February 24, 2020

26. Liverpool 2-1 Brighton & Hove Albion | November 30, 2019

25. Norwich City 0-1 Liverpool | February 15, 2020

24. Southampton 1-2 Liverpool | August 17, 2019

23. Liverpool 2-0 Watford | December 14, 2019

22. Liverpool 3-1 Newcastle United | September 14, 2019

21. West Ham United 0-2 Liverpool | January 29, 2020

20. Liverpool 2-0 Sheffield United | January 2, 2020.

19. Liverpool 1-0 Wolverhampton Wanderers | December 29, 2019

18. Sheffield United 0-1 Liverpool | September 28, 2019

17. Burnley 0-3 Liverpool | August 31, 2019

16. Bournemouth 0-3 Liverpool | December 7, 2019

15. Liverpool 4-0 Southampton | February 1, 2020

14. Liverpool 3-1 Arsenal | August 24, 2019

13. Tottenham Hotspur 0-1 Liverpool | January 11, 2020

12. Liverpool 2-1 Tottenham Hotspur | October 27, 2019

11. Wolves 1-2 Liverpool | January 23, 2020

10. Liverpool 4-0 Crystal Palace | June 24, 2020

9. Liverpool 4-1 Norwich City | August 9, 2019

8. Crystal Palace 1-2 Liverpool | November 23, 2019

7. Liverpool 2-1 Leicester City | October 5, 2019

6. Liverpool 2-0 Manchester United | January 19, 2020

5. Chelsea 1-2 Liverpool | September 22, 2019

4. Aston Villa 1-2 Liverpool | November 2, 2019

3. Liverpool 5-2 Everton | December 4, 2019

2. Leicester City 0-4 Liverpool | December 26, 2019.

1. Liverpool 3-1 Manchester City | November 10, 201