QM oo beenisay diiwaangelinta & Sharciyadsiinta Jaamacad uu hoggaamiyo Cali Maxamed Geedi.

0
193

Qaramada Midoobay ayaa beenisay diwaangalinta & Sharciyadsiinta Jaamacadda United Nations Academy of Somalia oo uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi,taas oo hab muuqaal ah wax looga barto.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in  inuusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Ururka Qaramada Midoobay iyo waxa loogu yeero ‘United Nations Academy of Somalia (UNAS).’

Sidoo kale Qaramada Midoobay waxaa ay sheegtay inay dacwad sharci ah ka gudbin doonaan United Nations Academy of Somalia oo ah Jaamacad uu hoggaamiyo Cali Maxamed Geedi,taas oo wadata Magac ah inay hoostagto Qaramada Midoobay.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Iyadoo laga jawaabayo weydiimo, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay dooneysaa inay caddeyso inuusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Ururka Qaramada Midoobay iyo waxa loogu yeero ‘United Nations Academy of Somalia (UNAS).’

Adeegsiga sharciga ah ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay kaliya waxaa lagu heli karaa kaddib marka la maro hannaan adag oo codsi ah oo u baahan oggolaansho qoraal ah oo ka yimaada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

‘UNAS’ ma codsan mana helin rukhsad ay ku isticmaasho magaca QM ama astaanta. Oggolaansho weligiis ma siinin Xoghayaha Guud arrin laga leeyahay u jeeddooyin ganacsi oo gaar ah, sida nooca ay ku howlgashay UNAS.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xiriir la sameysay ‘UNAS,’ mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo shabakadaha caalamiga ah oo ay quseyso ee dhanka Internet-ka iyo hay’adaha warbaahinta bulshada oo ay ku wargalisay arrintaa ku saabsan adeegsiga aan sharciga aheyn ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay, waxa ayna la beegsaneysaa dacwad sharci ah, oo ah in UNAS ay joojiso adeegsigaas.