Qorax Madoobaad saaka lagu arkay Soomaaliya.

0
111

Inta badan Soomaaliya ayaa waxaa Maanta laga arkay qorax Madoobaad,kadib markii qeyb kamid ah qoraxda ay madoobaatay.

Magaalada muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa siweyn looga dareemay Qorax Madoobaadka,waxaana ,Culimada falaga ay horay u sheegeen in 21 bisha June oo Maanta ah ay dhacayso Partial Eclipse.

Qorrax-madoobaadka noocan ah waxa loo yaqaan Annular Eclipse waa marka uu dayaxu isku gudbo iftiinka qorraxda balse uusan si buuxda u wada qarin oo ay qorraxdu hareeraheeda ka iftiimayso.

Masajidyada ku yaalla Magaalada muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa waxaa ka bilaawday salaad alle tuug ah, iyada oo markasta markii ay dhacaan arrimahaan oo kale ay bilaawdaan salaadaha.