Sida Loogu Kala Horreeyo Abaal-marinta Ballon d’Or Ee Sannadkan – Messi & Ronaldo Oo Lagu Karbaashayo

0
108

Abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or waxay qiimaynteedu socon doontaa ilaa bisha December, waxaana ciyaartoy kasta loo eegi doonaa wacdarihii uu ka dhigay garoomada, balse sannadkan oo la filayay in tartamada caalamiga ah ee Euro 2020 iyo Copa America 2020 ay saamayn ku yeeshaan, ayaa dib loogu dhigay sannadka dambe.

Ciyaaraha horyaallada Yurub oo muddo saddex bilood ah xayiraad  ugu jiray caabuqa Korona, ayaa dib usoo laabtay, waxaana markiiba bilaabantay qiimaynta iyo ururinta xogta laacibiinta bandhigga sarreeya muujinaya, kuwaas oo u qalma inay u tartamaan Ballon d’Or.

 

Lionel Messi oo lix sannadood kusoo guuleystay abaal-marinta ayaa u dagaallamaya inuu difaacdo sharafta sannadkan u dambeeyeyna loo cumaamaday, laakiin Cristiano Ronaldo oo shan sannadood soo qaatay ayaa isaguna Talyaaniga ka bilaabay hirdankiisa.

10 sannadood oo xidhiidh ah oo Messi iyo Ronaldo ay Ballon d’Or kusoo guuleysteen, waxa dhexda ka galay Luka Modric oo sannadkii 2018 kaga guuleystay, laakiin Lionel Messi ayaa haddana halkeedii kusoo celiyey oo sannadkii ugu dambeeyey la guddoonsiiyey.

Fasal ciyaareedkan wax badan ayaa isbeddelay, waxaana hoos u dhacday heerkii awoodeed ee labadan ciyaartoy ee dunida soo maamulayay, gaar ahaan halka qiimaynta ugu weyn ay ku helayeen ee dhalinta goolasha.

Horyaalka LaLiga waxa ku haysta oo hadda hoggaanka la wareegtay Real Madrid, haddii illaa dhamaadka ay sidaas ku socotana, waxay Barcelona lumin doontaa koobka ay labadii sannadood ee hore soo qaadatay, taasina waxay dhaawac u geysanaysaa tartanka Messi ee Ballon d’Or, inkasta oo ay fursad u haystaan Champions League.

Talyaaniga ayaa isagana ay Juventus isku dheggan yihiin Lazio, iyadoo waliba laga qaaday Italian Supper Cup oo Cristiano Ronaldo oo indhihiisu shan yihiin ay Napoli ka hor qaadday.

Haddii ay lumiyaan Serie A, waxay jug ku noqonaysaa hammiga CR7 ee ah inuu barbarreeyo rikoodhka Messi ee hanashada Ballon d’Or.

Sidaas oo ay tahay, qiimaynta illaa hadda la hayo, labadoodaba waa lagaga horreeyaa, waxaana kaalinta koowaad ku jira xiddiga Bayer Munich ee Robert Lewandowski oo fasal ciyaareedkan dhaliyey 48 gool, sidoo kalena ka caawiyey Bavaria inay hanato horyaalka Bundesliga, halka ay isku diyaarinayaan German Cup.

Champions League ayay sidoo kale Bayern Munich lug kula jirtaa wareegga siddeedda, iyagoo Chelsea kusii garaacay Stamford Bridge, kulanka labaadna bisha August ay ku martigelin doonto Allianz Arena.

Haddaba, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa 20ka ciyaartoy ee ugu sarreeya qiimaynta abaal-marinta Ballon d’Or illaa hadda, kuwaas oo ay u badan tahay inay noqon doonaan xiddigaha ku xafiiltami doona:

#19 Joshua Kimmich (Bayern Munich)

#18 Ciro Immobile (Lazio)

#17 Alphonso Davies (Bayern Munich)

#16 Jordan Henderson (Liverpool)

#15 Bruno Fernandes (Manchester United)

#14 Timo Werner (RB Leipzig)

#13 Josip Ilicic (Atalanta)

#12 Serge Gnabry (Bayern Munich)

#11 Kai Havertz (Bayer Leverkusen)

#10 Jadon Sancho (Borussia Dortmund)

#9 Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain)

#8 Karim Benzema (Real Madrid)

#7 Erling Haaland (Borussia Dortmund)

#6 Neymar (Paris Saint-Germain)

#5 Thomas Muller (Bayern Munich)

#4 Cristiano Ronaldo (Juventus)

#3 Lionel Messi (Barcelona)

#2 Kevin De Bruyne (Manchester City)

#1 Robert Lewandowski (Bayern Munich)