Wafdi ka Socda Dowlada Etoobiya Oo Kusoo Wajahan Magaalada Baladweyne.

0
151

Guddoomiyaha Gobolka Shabelle Aadan Axmed Sooyaan iyo  saraakiil heer federaal iyo heer dowlad deegaanka soomaalida Etoobiya  isugu jira ayaa Lagu wadaa in saacadaha soo socda ay soo gaaran Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,

qaban qaabada soo dhaweeynta Masuuliyeentan ayaa ka socoto Magaalada Baladweyne Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali jeeyte Cismaan iyo Masuuliyeen ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa wado qaban qaabada soo dhaweynta Masuuliyeentan.

Amaanka Magaalada Baladweyne ayaa manta aad loo adkeeyey iyadoo Ciidamo Boolis ah la dhigay wadooyinka waa weyn ee Magaalada Baladweyne

Ujeeydka Wafdigan ayaa ah sidee loo dhameeyn Lahaa dagaal beelledkii dhawaan ka dhacay Nawaaxiga degmada Feerfeer oo wajiga labaad shir arintaasi looga hadlayo ayaa lagu wadaa in manta Baladweyne uu ka furmo.