Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaartoyga Ee Maanta Oo Sabti Ah Ay Qoreen Wargeysyada Yurub

0
141

Suuqa iibka ciyaartoyga ayaan si rasmi ah u furmin, laakiin waxay kooxaha qaarkood ku dhawaaqeen heshiisyo ay la gaadheen ciyaartooyo u iman doona marka ay dhamaadaan kulamada xili ciyaareedka ee dib loo bilaabay.

Chelsea ayaa ka mid ah naadiyadan oo gacanta ku dhigtay weeraryahanka Timo Werner, laakiin si guud suuqa ayaa u xidhan, waxaana si joogto ah usoo baxaya qorsheyaasha kooxaha waaweyn ay damacsan yihiin iyo ciyaaryahannada ay u dhaqaaqi doonaan sidii ay ula soo wareegi lahaayeen.

Wargeysyada Yurub ayaa maalin walba daabaca wararkii ugu dambeeyey ee suuqa, xanta hoose ee aan wali bannaanka usoo bixin, tibaaxaha lasoo dusiyey iyo sawirka uu yeelan doono suuqu marka uu dib u furmo.

Sidii aad nooga barateen, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyey ee maanta oo Sabti ah ay qoreen wargeysyada waaweyn ee Yurub:

Xiddiga reer Germany ee Mesut Ozil ayaa shaaciyey inuu doonayo inuu dhamaysto qandaraaska uu kula jiro Arsenal oo sannadkii ugu dambeeyey bilaabmayo, laakiin Gunners ayaa doonaysa inay sababo dhaqaale iskaga dirto laacibkan oo toddobaadkii mushahar ahaan u qaata £350,000 Gini. (ESPN)

Manchester City waxay doonaysaa inay u ogolaato Leroy Sane oo garabka uga ciyaara inuu si xor ah uga tago dhamaadka xili ciyaareedka dambe, haddii Bayern Munich ay kordhin weydo qiimaha ay ku doonayso ee ah £30 milyan oo Gini. (Independent)

Tababaraha Chelsea ee Frank Lampard waxa uu beeniyey in Blues ay ku kharash garanayn doonto khadka dhexe ee Bayer Leverkusen ee Kai Havertz oo 21 jir ah iyo Ben Chilwell oo 23 jir ah, lacag ay ka sameeyaan iibka N’Golo Kante oo 29 jir ah, xagaagan. (Guardian)

Lampard waxa uu ku wargeliyey weeraryahanka Tammy Abraham oo 22 jir ah, inuu horumar sameeyo, xilli ay kooxdu lasoo saxeexatay gool-dhaliyaha reer Germany ee Timo Werner oo ah 24 jir ay kasoo qaadanayaan RB Leipzing. (Metro)

Tababaraha Burnley ee Sean Dyche waxa uu ku adkaystay in khadka dhexe ee kooxdiisa ee Dwight McNeil oo lala xidhiidhinayo kooxaha Manchester United, Manchester City, Leicester City iyo Juventus, in aanay ku iibin doonin lacag jaban. Waxay 20 jirkan ku xidhayaan saxeexiisa lacag lagu qiyaasay £50 milyan oo Gini. (Sun)

Macallinka Wolves ee Nuno Espirito Santo oo uu heshiiskiisa sannad ka hadhsan yahay, ayaa sheegay inuu haysto waqti ay kooxda kaga wada hadli karaan heshiis cusub. (Express iyo Star)

Weeraryahanka reer England ee Andy Carroll oo 31 jir ah iyo difaaca reer Spain ee Javier Manquillo oo 26 jir ah, ayaa ku dhow inay heshiis cusub u saxeexaan Newcastle United. (Shields Gazzette)

Khadka dhexe ee reer France ee Papa Gueye oo 21 jir ah, waxa uu ogolaaday inuu ku biiro Watford marka uu dhamaado qandaraaskiisa Le Havre oo xagaagan ku eg, laakiin wakiilkiisa ayaan doonayn in laacibkani uu tago Vicarage Road maadaama ay Arsenal dalab kasoo gudbisay. Sidoo kale Marseille ayaa ka mid ah kooxaha xiisaynaya. (Le Phoceen)

Atletico Madrid waxay iska diidday dalab 150 milyan oo Euro ah oo ay koox Ingiriis ah kasoo gudbisay weeraryahankeeda reer Portugal ee Joao Felix oo 20 jir ah, waxaanay arrintu dhacday ka hor mushkiladda Korona. (Goal)

Everton waxay kula biiray Manchester United iyo Southampton guud-meerka difaaca Real Valladolid ee Mohammed Salisu oo ah 21 jir u dhashay Ghana oo sannad kali ah ka hadhsan yahay heshiiska uu kooxdiisa kula jiro, isla markaana £10 milyan lagu burburin karayo qandaraaskiisa. (Mirror)

Kooxda ka ciyaarta heerka labaad ee Ingiriiska ee Leeds United, waxay qorshaynaysaa inay suuqa geliso £50 milyan oo Gini oo ay ciyaartooyo kusoo iibsato haddii ay usoo dallacdo Premier League. (Football Insider)