Wasiirka Amniga Galmudug Oo booqday Xerooyin Ciidan.

0
121

Wasiirka Amniga Gudaha Dawalad Goboleedka  Galmudug  Axmed Macalin  Fiqi ayaa maanta booqday taliska Ciidamada Badda ee Booliska Galmudug ( Galmudug Maritime Police Unit) oo saldhigoodu yahay magaalada Hobyo.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhagaystey taliyaasha ciidanka, asagoo faahfaahiyey baahida loo qabo ciidamada Badda Galmudug iyo muhimadda ay ugu fadhiyaan Galmudugta cusub.

Wasiir Fiqi wuxuu ugu danbayn  ballanqaaday in la tayeyn doono ciidamada Badda Galmudug si ay ugu guuleystaan ilaalinta maraakiibsta sida sharci darrada ah u kalluumeysta.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa ay horay ula wareegtay maleeshiyaad iyo Gaadiid dagaal oo ku sugnaa degaano ka tirsan gobolka Mudug,kuwaas oo la sheegay in laga dhigayo Ciidamada Daraawiishta Galmudug.