Xildhibaan jeesoow Oo dawlada si kulul u eedeeyay

0
186

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa dawlada waxa uu si kulul u eedeeyay guddiga labada Aqal u qaabilsan dhameystirka doorashooyinka dalka in ay baalmareen sharciga Dastuurka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo lahadlay warabaahinta ayaa sheegay  in gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Aqalka sare, marba haddii ay u qoondeeyeen in lagu qaybiyo nidaamka 4.5 ee ay Soomaalidu wax ku qaybsato.

Waxa uu sheegay in arrintani haaddii ay dhacdo, ay tahay mid abuuri kara kicin dadweyne, taas oo ay isa kaga hor imaan karaan dawlada Soomaaliye iyo Shacabkeeda, sida uu hadalka u dhigay.

Guddiga ayaa horay u shaaciyay in gobolka Banaadir uu 7 Kursi ku yaalan doono kuraasta Aqalka sare, isla markaasina lagu qaybsan doono nidaamka 4.5 ee ay Soomaalidu wax ku qaybtato, taas oo noqotay arrin hadal hayn badan iyo muran dhalisay.