Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan xasaasi ah u socdo.

0
137

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Goordhow ka furmay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,kaas oo Maalintii saddexaad si xriir ah u socdo.

Kulanka oo ah kii 6-aad kalfadhiga 7-aad ayaa waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,waxaana Ajendaha kulanka uu Maanta yahay ka doodista xeerka matalaada gobolka banaadir iyo xeerka kuraasta gobolada Waqooyi.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ah 167 Xildhibaan,waxaana ay Xildhibaannada aad uga doodayaan matalaada Gobolka Banaadir uu ku yeelanayao Aqalka Sare,kaas oo ay Xildhibaannada usoo gudbiyeen Guddiga diyaarinta xeerka doorashooyinka.