Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Iska Dhiibay Degaan Ka Tirsan G/Mudug

0
211

Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad ee ka howlgala deegaanada dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen inay isku soo dhiibeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Saddex dagaalame oo kamid ahaa Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay iska dhiibay  deegaanka Bacaadweyne oo hoostaga Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug, halkaas oo ay fariisimo ay ku leeyihiin Ciidanka Xoogga dalka.

Jenaraal C/casiis C/laahi Cabdi Taliyaha qeybta 21 aad ee Ciidanka Xoogga oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa waxaa uu sheegay in Saddex dagaalame ay isku soo dhiibeen, isla markaana lasoo dhaweeyay.

Sioo kale Janaraal Qooje ayaa waxaa uu tilmaamay in raggaas ay in muddo ka tirsanaayeen Al-shabaab, hayeeshee haatan ay iyagu Go’aan ku gaareen inay soo goostaan, ayna xiriir lasoo sameeyeen Ciidamada.

Ugu dambeyn Taliye C/casiis C/laahi Cabdi Qooje ayaa waxaa uu sheegay in ay soo dhawaynayaan cid kasta oo isa soo dhiibta, kana faa’iideysta baaqii Cafiska ahaa oo ay horey u fidiyeen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.