Xukumada Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Qarax ka dhacay Muqdisho

0
144

Saddex Ruux oo rayida ayaa ku dhimatay halka 3 kale ay ku dhaawacantay maanta oo Khamiis ah qarax miino oo ka dhacay xaafada Taleex ee degmada Hodan ee gobalka Banaadir.

Afhayeenka Wasaarada Warfaafinta, Ismaciil Mukhtar Cumar ayaa sheegay in Al-Shabaab ay bartilmaameeysteen dad rayida oo aan waxba galabsan oo saarna moota Bajaaj.

“Qaraxa waxa uu dilay haweenay iyo cunugeeda oo mooto saaran iyo qof wadada marayey halka 3 ruux kale ay dhaawacmeen, waxaa meesha maray gaadiid nooca ciidanka ah ilbiriqsiyo ka hor qaraxa ayuu yiri” Mr. Mukhtaar Oronjo.

Afhayeenka ayaa cambaareeyey qaraxa isagoo adeegsaday erayada uga adag,waxa uu intaasi ku daray in aan la dhalaysan fariimaha amni ee la xiriir bed-qabka waddooyinka la adeegsanayo.