{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray Dhuusamareeb

0
121

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, iyaga oo ka ambabaxay Magaalada Kismaayo.

Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa Madaxweyne Axmed Madoobe  kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) iyo Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa iska soo  hormariyay qaar kamid ah Ciiidamada kamid ah ilaaladiisa,kuwaas oo ka qeyb qaadan doona sugida amnigiisa.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana saacadaha soo socda la filayaa in uu ka furmo Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada.