{DAAWO SAWIRADA} Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka oo ka Furmay Dhuusa-Mareeb

0
132

Shirka Wadatashiga dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ayaa goor dhow furmay, iyadoo Madaxweynaha Galmudug uu bilaabay hadal jeedinta shirka.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa sheegay in Shirkooda uu ku saleysan yahay sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah.

Waxaa uu aad ugu dheeraaday in ay muhiim tahay in la ilaaliyo dhaqan siyaasadeeda Soomaaliyeed ee Sanadyadii ugu dambeeyay ee ahaa in Afar sano oo kaste ay dhacdo doorasho.

Madaxweynaha ayaa xusay in gogoshaan ay tahay Mid looga hadlaayo Mustaqbalka Siyaasadeed ee dalka, islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay isku keenaan umadda Soomaaliyeed.

Waxaa uu ugu dambeyntii xusay in muhiimada ugu weyn ee Shirka ay tahay in helo doorasho ku dhacdo waqtigii loogu tala galay.