{DAAWO SAWIRADA} Sida Magaalada Beledweyne oo looga Xuska 1-da Luulyo.

0
157

Munaasabad ay soo qaban-qaabiyeen Ururka Dhallinyarada Gobolka Hiiraan oo laguna maamuusayay 60 sano guuradii ka soo wareegatay madaxbannaanida dalka ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Beledweyne.

Munaasabadda oo ka dhacday Aqalka gobolka Hiiraan looga arrimiyo ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirro iyo Xildhibaanno Hirshabelle kamid ah maamulka gobolka Hiiraan saraakiil ciidan iyo qeybaha bulshada.

Madaxdii kala gidisaneed ee munaasabadda ka hadashay ayaa ku dheeraaday muhiimadda aay shacabka soomaaliyeed u leedahay maalmaha xorriyadda iyo sida loogu baahanyahay jiilka hadda soo baxaya in aay u bartaan taariikhda xorriyadda soomaaliya aay soo martay.

Sidii caadada ahayd madaxda kala duwan ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, markii ay saacadda ku beegneyd xilliga kala wareegga saacadda ee 12:00am.

Xuska 1-da Luulyo ee Beledweyne lagu qabtay sannadkan ayaa ka duwaneed kuwii hore waxaana munaasabadan laga dheehan karay agaasin sare iyo dhallinyaro Rag iyo Dumar isugu jira oo u istaaagay in aay weyneeyaan toddobaadka xorroyadda Soomaaliya.