DEG DEG: Xiddigii Liverpool Ka Tagay Adam Lallana Oo Ku Biiray Koox Kale Oo Premier League Ah

0
79

Xiddiga khadka dhexe Adam Lallana ayaa dhameystiray ku biiritaankiisa kooxda horyaalka Premier League ka dhisan ee Brighton ka dib markii uu si xor ah uga tagay kooxda Liverpool.

Lallana ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu danbeysay ee Liverpool la qaaday koobka horyaalka Premier League iyadoo qandaraaskiisa kooxda Reds uu dhacay xagaagan.

Laacibka Ingariiska ayaa heshiis seddex sanno ah u saxiixay kooxda Brighton isagoo u xiran doona maaliyada No.14, wuxuuna si rasmi ah u soo gabagabeeyay lix sannadood uu joogay garoonka Anfield.

Tababaraha kooxda Brighton ayaa ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay saxiixa 32 jirkaan.

“Shaki kuma jiro tayada Adam, marka aad eegto arjigiisa kubada cagta waxaa wax uu qof walba arki karo” ayuu yiri.

“Wuxuu ka soo ciyaaray kubada heerkeeda ugu sareeya ee koox iyo wadan, wuxuu soo gaaray guulo waa weyn. Wuxuu leeyahay khibrad qani ah iyo awood farsamo oo la socoto.

“Koobab ayuu ku soo qaaday Liverpool, si weyn ayaa looga ixtiraamayay Anfield. Saxiix farxad leh ayay inoo tahay anaga, waan huba in taageerayaasha ay sugi weysan yihiin inay arkaan isagoo inoo ciyaaraya”

Adam Lallana ayaa khibrad u leh horyaalka Premier League isagoo saftay 196 kulan islamarkaana dhaliyay 30 gool halka uu caawiye ka noqday 28 gool.

Wuxuu 14kii bilood ee ugu danbeysay Liverpool la qaaday Premier League, Champions League, Club World Cup iyo UEFA Super Cup.

Wuxuu xulka England u saftay 34 kulan isagoo u dhaliyay seddex gool.