Dowladda Soomaaliya Oo Shaacisay Tiradii Ugu Badneyd Ee Ka Bogsatay COVID-19

0
169

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in saacadihii lasoo dhaafay ay Cudurka halista ah ee COVID-19 ka bogsadeen in ka badan 60 qof oo kamid ahaa bukaannadii uu horey ugu dhacay Cudurka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 10 xaalado cusub oo COVID-19 ah, isla markaana dadkaas la geliyay xaalad karantiil ah si aysan u faafin Cudurka.

7 kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay Somaliland, Jubbaland 2 iyo Gobolka Banaadir oo hal qof, waxaana Cudurka uu u muuqdaa kasii yaraanaya gudaha Soomaaliya.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey noqdeen 3,038 qof,

waxaa ka bogsooday 1,209 ruux, waxaana guud ahaan dalka ugu geeriyooday 92.