Soomaaliya oo kaalinta 1-aad ka gashay qiimaha Internet-ka ugu jaban ee Dalalka Carabta

0
132

Marka la eego Internet-ka maanta waa baahida ugu badan ee lagu xakameeyo wax waliba oo la doonayo in horay loosii qaado, sidaas awgeed dalalka caalamka xiligaan waa u fure in ay helaan adeegsigiisa.

Cable (Xarigga) waa waxa sahlaya in dunida la isugu kala gudbiyo Internet-ka oo ah fududeeyaha aaladaha maanta la doonayo in lagu soo bandhigo xog ama lagu gudbiyo waxyaabo kala duwan.

Ma taqaan qiimaha dalalka ay ku kala helaan adeegga internetka?

Kahor inta aan u kala qaadin Carab iyo Cajab, sanadkaan 2020 ee aan kasii siqeyno bartamihiisa waxaa la sameeyay xog uruurin la xiriirta halka Giga Byte qiimaha maanta ay ku kala helaan dalalka caalamka.

Marka hore aan ku hormaro Qaaradda Aasiya, Dalka India ayaa kaalinta sare ee dalalka ugu raqiisan Internet-ka guud ahaan Caalamka soo gashay, waxa ay dadka dalkaas ku helaan lacag aad u jaban marka la eego wadamada kale.

India qiimaha lacagta Internet-ka celcelis ahaan Halkii Gigabyte waa $0.09 waana lacag aad u jaban oo qof waliba u saaragelineysa in uu helo Internet Xawaare sare leh oo ay ugu baahi beeli karaan danahooda gaarka ah.