Weerar lagu qaaday Saldhigyo ay ku sugan yihiin Ciidamada AMISOM.

0
194

Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhigyo Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo ku howlgalla Magaca AMISOM ku leeyihiin degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Weeraradaan ayaa waxaa lagu qaaday Saldhigyada Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin degaannada Cabdalla Kudhaa iyo Cabdalla Biroole,waxaana la sheegay in uu halkaasi ka dhacay dagaal sababay khasaaro kala duwan.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal xoogan uu ka dhacay Jasiirada Kudhaa,halka weerar madaafiic ah lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Kenya ee Cabdalla Biroole,waxaana dadka degaannadaas ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeeg sanayeen labada dhinac.

Al-Shabaab ayaa warar ay ku daabaceen baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegeen in weeraradaas ay khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidamada Kenya,hayeeshee saraakiisha Ciidanka Kenya dhankooda weli aysan ka hadlin.

Saldhigyada Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin Gobolada Jubbooyinka ayaa mararka qaar waxaa ay weeraro kala kulmaan Al-Shabaab,waxaana saraakiisha Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ay sheegaan inay iska difaacaan.