{DAAWO SAWIRADA} Guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

0
83

Guddiga Joogtada Golaha Shacabka BJFS Ayaa Caawa Kulankooda Labaad ee Kalfadhiga 7aad Ku Yeeshay Xaruunta Guddiyada Iyo Guddonka Golaha Shacabka BJFS

Waxay Kulankooda Uga Hadleen Shuruucda La Taala ee Golaha Shacabka Iyo Sidii Loo Kala Horumarin Laha ama Mudnaanta Loo Kala Siin Laha Maalmaha La Kala Gelinayo Shuruucda Golaha Hor Yaala

Sidoo kale Kulanka ayaa looga Hadlay Sidii Shaqada Baarlamanka loo kordhin lahaa Isla markaana Inta Waqtiga Baarlamanka Ka Harsan loo Dardar Gelin Laha Dastuurka Ku meel Gaarka ee Dalka.

Kulanka Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Ayaa Waxa Shir Guddominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Mudane Cabduweli Sheekh Ibraahim Muuday.