Shirka Dhuusamareeb oo ay Suuragal tahay in uu dib u dhaco!.

0
67

Sida ilo xog-ogaal ah Hiiraanweyn u sheegeen waxaa suurta gal ah in uu dib u dhoco shirkii ay ku balansanaayeen Madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada dalka, laguna waday in ay qayb galaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo saamilayda siyaasada dalka.

Shirkaan oo shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamku indhaha ku haayeen waxa ka soo bixi kara ayaysan muuqan wax diyaar garowgiisa ah oo ka socda Dhuusamareeb caasimada Maamulka Galmudug ama ay wadaan dhamaan dhinacyada ku lugta leh shirka Dhuusamareeb.

Wasiiro ka tirsan Galmudug waxa ay Hiiraanweyn u sheegeen inysan jirin diyaar garow ku aadan shirka Dhuusamareeb ayna sugayaan Madaxweynaha Galmudug Qoor qoor oo qorshuhu yahay in uu maanta ka soo dago magaaladda Muqdisho ka dib safarkiisii Turkiga.

Qabsoomida Shirka waa mid taagan balse xilliga iyo go’aankaba waxaa leh madaxwaynaha oo dalka ka maqan sidaas waxaa u sheegay Wasiirka warfaafinta Galmudug Ahmed Shire Falagle.

Sida uu dhigaayay qodobka shanaad ee war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 2 waxa ay ehayd in guddiyo ka kala socda Xafiiska Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Madaxda Dowlad-goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir ay ka soo tala bixiyaan hanaanka doorasho ee dalka ka dhacaysa 2020/21 ka hor shirka Dhuusamareeb 3 oo loo balansanaa 15 Augost.

Baaqyada beesha caalamka, aqoonyahanka, Bulshada Rayid iyo Madaxda xisbiyada mucaaradka ayaa isi soo taraya oo ku aadan shirkaasi uu qabsoomo si xal looga gaaro arimaha doorashooyinka dalka oo haatan indhaha lagu wada hayo.

Guddigoo Farmada ee loo xilsaaray in ay ka soo talabixiyaan hanaanka doorasho ee dalka ka dhici karta ayaa ku guuldaraystay in ay kulmaan  si ay ugu doodaan shaqooyinka loo xilsaaray ee doorashooyinka dalka.

Maalinkii Sabtiga 8 Aug-2020  ayay  yeesheen kulankoodii ugu horeeyay iyaga oo kala maqan manajirto shir kae oo ay isku yimaadeen xubanahaan si ay ugu wada hadalaan doorashooyinka dalka sida ay Hiiranweyn u sheegeen xubnaha guddiga

Sida ay Hiiraanweyn u sheegeen xubno kamid ah guddiga tala-bixinta hannaanka Doorashooyinka xubnihii ku DG Jubbalan iyo Puntland ku meteli lahaa Shirka ayaa si adag u  sheegay in aysan xaadirayn kulanka Muqdisho, xitaa waxa ay diideen in kulanka lagu qabto qaab fogaan-arag ah ama Zoom, dhammaan xubnaha guddiga tala-bixinta hannaanka Doorashooyinka oo kulansan ayaa looga baahan yahay in uu keeno talo ku wajahan doorashooyinka  kahor shirka Dhuusamareeb 3 ee loo ballamay 15 Augusta.

Waxaa jira arimo muujinaya ka caga-jiidka Shirka Dhuusamareeb.

  1. Xubaha guddiga Farsamada ee ka tala-bixinta hannaanka Doorashooyinka waxa ay ku guuldaraysteen in ay kulmaan soona saaraan talo ku wajahan doorashooyinka kahor shirka Dhuusamareeb 3 ee loo ballamay 15 August.
  2. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo ah marti galiyaha shirka ayaa ka maqan Dhuusamareeb,taas oo shaki galinayso furitaanka shirka oo kaliya ay labo maalmood naga xigto qabsoomidiisa.

Qoor qoor inkastoo uu ku celceliyay in ay muhiimtahay qabsoomida shirkaas hadana wararka qaarkood ayaa sheegaya in ay suurta galtahay in maalmaha soo socda uu ku sii nagaado magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

  1. Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland siciid Cabdillaahi Deni oo ay ehayd in uu xaadiro shirka Dhuusamareeb,ayaa shalay booqasho maalmo qaadanaysa ugu bilaabatay dalka Jubuuti, halkaas uu kulamo kula leeyahay Madaxda dalka Jabuuti.

Kulanka guddiga tala-bixinta hannaanka Doorashooyinka ee fashilmay waxaa ka horeeyay kulan aan Warbaahintu wax badan ka ogeyn  oo madaxtooyada Soomaaliya ku dhexmaray MW Farmaajo, Lafta-gareen,  Qoorqoor & Waare

Waxa suuragal ah loona badinayaa in Kulankaasi  looga hadlay isbadalkii dalka ka dhacay ee xilka looga Tuuray Xasan Cali Kheyre, shaqooyinka la xiriira doorashooyinka ee golaha shacabku wado wadaan ee la xiriira Doorashooyinka iyo heshiiskii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb 2.

Yusuf Garaad Cumar wasiirkii hore ee arimaha dibada Soomaaliya oo ka mid ahaa xubnihii ka qayb galay shirkii Dhuusamareeb 1&2 ayaa sheegay in shirkaasi miradhalkiisa ay ka horayso in uu qabsoomo siga oo xusay ”Shirka aad loo sugayo ee Dhuusa Marreeb in uu aflaxo in uu qabsoomo ayaa ka horreysa”.