Taliska qaybta 21-aad oo Ciidamo u diray Deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

0
75

Ciidamo katirsan Xoogga dalka gaar ahaan qaybta 21-aad ayaa u ruqaansaday deegaanka Shabeelow oo 20 KM u jira Magaalada Balcaadweyne Gobolka Mudug, kadib markii dagaal uu halkaas ka dhacay.

Askartaan gurmadka ah ayaa wata Gaadiidka Dagaalka, hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana hawada laga saaray isgaarsiinta deegaanka dagaalka ka socdo iyo meelaha kale ee u dhaw.

Saraakiil katirsan Ciidamada Militariga Soomaaliya ayaa Mustaqbal u sheegay in Askartaan ay gacansiinayaan dad deegaan ah oo la dagaalamaya Al-Shabaab, kadib markii laga afduubtay shaqsiyaad caan ah.