Trump oo lala cararay kaddib markii qof lagu toogtay meel u dhow Aqalka Cad

0
82

Madaxwenaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in qof lagu toogtay goob u dhow Aqallka Mareykanka, kaddib markii uu ka baxay shir jaraa’id.

Mr Trump ayaa weriyeyaasha u sheegay “iney u muuqato in haatan xaaladda la xakameeyay”.

Trump ayaa shirka jaraa’id lagala carayay markii ay arrinta dhacday balse wax yar kaddib ayaa dib u soo muuqday kaddib markii mid ka mid ah ilaaladiisa uu goobta shirka jaraa’id ku soo hogamiyay.

Waxaa la maqlayay Trump oo oranaya “Oh!” “Maxaa dhacaya” markii uu ka sii dhaadhacay qolka shirka jaraa’id.

Madaxweynaha oo ku guda jira shirka jaraa’id ayaa waxaa ka soo dhex-galay mid ka mid ilaaladiisa, waxa uuna dhagta ugu sheegay dhacdada.