Ciidanka Jubbaland Oo Sheegay In Ay Fashiliyeen Qaraxyo

0
73

Maamulka Jubbland ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen waxyaabaha Qaraxa oo lagu aasay qaybo kamid ah degaanada maamulkaasi.

Ciidanka Nabad sugidda iyo Sirdoonkla Jubbaland ayaa la sheegay in ay soo saareen Miinooyin iyo waxyaabo kale oo qaarxyo ah, kuwaas oo sida la sheegay lagu aasay waddada dhinaceeda.

Minooyinka ayaa sida la sheegay waxaa lagu aasay inta u dhaxaysa Goobweyn iyo Yoontooy, waxaana Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland ay sheegeen in ay fashiliyeen Miinooyinkaas ay sheegeen in Al-shabaab ay waddada ku aaseen.

Howlagallo ay sameeyeen Ciidanka ammaanka ayaa waxaa ay kusoo qab-qabteen dad lagu tuhmayo in ay ku lug lahayeen qaraxyadaas waddada lagaliyay, balse ilaa iyo hadda hay’adaha ammaanka ma shaacin in ay ahyaan dadkii ka dambeeyay falkaasi, waxaana ay sheegeen in ay baaritaanno ku wadaan dadka ay gacanta ku hayaan.