Diogo Dalot oo doonaya inuu ka tago garoonka Old Trafford iyo Macallin Ole Gunnar Solskjaer oo…

0
41

Diogo Dalot ayaa la soo warinayaa inuu doonayo inuu isaga tago garoonka Old Trafford, iyadoo Tababaraha Kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer uu dhankiisa rabo inuu sii haysto xiddigan.

Wargeyska The Sun ee dalka Ingiriiska ayaa warinaya in Diogo Dalot uu indhaha ku hayo wadadii uu kaga dhaqaaqi lahaa kooxda Manchester United, kaddib markii uu boos joogto ah ka waayey.

Daafacan reer Portugal ayaan ku faraxsanayn inuu waayo waqti badan oo uu ku ciyaaro, laakiin Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa diidan inuu furo Albaabka uu ka baxayo Dalot oo doonaya u dhaqaaqista meel kale.