Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Oo Kulan Ka Yeeshay Shuruucda Golaha

0
83

Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaaka Soomaaliya ayaa maanta Kulankooda 8-aad ee Kal-fadhiga 7-aad ku yeeshay Xaruunta Guddiyada Iyo Guddonka Golaha Shacabka BJFS.

Kulankan ayaa Guddiga waxaa ay uga hadleen shuruucda Taala Golaha Shacabka iyo sidii loo kala Horumarin laha ama mudnaanta loo kala siin laha maalmaha la kala gelinayo shuruucda Golaha hor yaalla.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay sidii shaqada Baarlamanka loo kordhin lahaa, isla markaana Inta waqtiga Baarlamanka ka harsan loo dardar-gelin lahaa tayada waxbarashada dalka.

Kulan Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ayaa waxa Shir Guddominaayey Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.