Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo La Kulmay Madaxweynaha Jubbaland

0
80

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Madaxweynaha maamul Goboledka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay hoyga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa looga hadlay waxyaabo dhowr ah oo la xariira xaaladda Siyaasadeed ee dalku marayo.

Marxaladda kala guurka ah ee hadda dalka ku marayo iyo waxyaabo kale ayay ka wada hadleen labada mas’uul, waxaana si gaar ah looga wada hadlay sida wararku sheegayaan arrimo ay ka mid yihiin doorashada soo aaddan ee dhawaan dalka ka dhici doonta.

Axmed Madoobe ayaa horay ula kulmay Ra’iisul wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo ay xusid mudan tahay in Axmed Madoobe uu kulamo gaar gar ah waday tan iyo markii Muqdisho uu kaga qayb galay shirkii dhawaan ka dhacay Muqdisho, kaasi oo lagu go’aamiyay nooca doorasho dalka ka dhici doonta