Lambarka uu xiran doono saxiixa cusub ee Kooxda Barcelona, Miralem Pjanic oo la shaaciyey

0
44

Waxaa la shaaciyey lambarka uu xiran doono saxiixa cusub ee kooxda Barcelona, Miralem Pjanic, kaddib markii uu ka soo wareegay naadiga Juventus.

Barcelona ayaa laacibkan kala soo wareegtay kooxda reer Talyaani ee Juventus, waxaana uu qeyb ka ahaa heshiiskiis ay kooxda Juve kula wareegtay Arthur Melo.

Xiddigan reer Bosnia ayaa u ciyaarayey Juventus afartii sano ee ugu dambeysay tan iyo markii ay ka soo qaateen Roma, waxaana uu magaalada Barcelona soo gaaray Khamiistii hore.

Jamaahiirta Kooxda Barcelona ayaa ka dhur sugayey lambarka ay kooxdu u gacan gelin doonto Pjanic, kaasoo ay ku arki doonaan dhabar ciyaaryahankii hore ee Juventus. 

Waxaa loo gacan geliyey Pjanic lambarkii uu banneeyey Arthur Melo, kaasoo isaguna dhaxlay lambarkii uu Pjanic u qaadan jiray kooxda reer Talyaani ee Juventus, waxaana uu Pjanic qaadan doonaa lambarka 8-aad oo uu horey kooxo kale ugu soo qaatay.

Waqtigii uu joogay Pjanic kooxda Lyon waxa uu markii ugu horreysay xirtay lambarka 18-aad, ka hor intii uusan u guurin lambarka 8-aad.

Pjanic ayaa sidoo kale lambarka 15-aad ku bilowday oo u xirnaa Roma tan iyo intii uusan uga wareegin Juventus afar sano ka hor, halkaasoo uu ku qaadanayey lambarka 5-aad.