Madaxda maamulada oo Muqdisho ka bilaabay kulamo lagu qancinaayo xildhibaanada

0
73

Madaxda maamul goboleedyada ayaa Magaalada Muqdiso waxa ay ka waddaan kulamo ay xildhibaanada Golaha Shacabka ugu qancinayaan sidii loo meelmarin lahaa heshiiskii doorashada ee dhawaan lagu gaaray Muqdisho.

Madaxweynaha maamulka  Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay, Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee laga soo doorto Jubaland.

Kulankan oo ahaa Qado sharaf uu Madaxweynahu u sameeyay Xildhibaanada, ayaa lagaga hadlayay Xaalada dalka, iyadoo sidoo kale Madaxweynaha uu Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Jubaland.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la kulmay xildhibaanada laga soo doorto degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa jira baqdin ku aadan in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay diidaan heshiiskii dhawaan ay gaareen Farmaajo iyo Madaxda maamulada, waxaana lagu waddaa in Madaxweyne Farmaajo sidoo kale la kulmo xildhibaanada.

Maalmaha soo socda ayaa la horgeyn doona xildhibaanada Golaha Shacabka.