Madaxwaynaha Mareykanka Oo Ka Bad Baaday Sun La Doonayay In Lagu Dilo

0
89

Bashkhad ay ku jirtay suntan loo yaqaanno ricin, oo loo soo diray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa gacanta lagu dhigay ka hor inta aysan gaadhin Aqalka Cad, sida ay saraakiil u sheegeen warbaahinta Mareykanka.

Laanta dambi barista Mareykanka ee (FBI) iyo ciidamada gaarka ah ee ilaaliya madaxwaynaha ayaa waxay baarayaan halka ay bashqadani ka timid iyo in ay jiraan bashqado kala oo lagu soo diray boostooyiinka Mareykanka

Booliiska dalka Canada ayaa waxay dhankooda sheegeen inay la shaqaynayaan FBI Mareykanka si loo baaro “warqdan laga shakisan yahay ee loo soo diray aqalka cad”.

Hadii uu qofka isticmaalo suntan loo yaqaano ricin waxaa uu u dhiman karaa muddo 36 saacadood ilaa iyo 72 saacadood, iyada oo ay ku xiran tahay inta uu qofka ka isticmaalay, sida ay sheegtay xarunta ka hortaga iyo xakameynta cudurada ee Mareykanka.