Shiinaha oo xoojinaya gobaha lagu dhibaateeyo muslimiinta

0
86

Shiinaha ayaa ballaariyay xarumaha uu ku hayo Muslimiinta Uighur ee laga tirada badan yahay, isagoo ku adkeysanaya in xeryahaasi wax lagu baro.

Machadka Siyaasadda Istaraatiijiga ah ee Australia ayaa sheegay inay jiraan ilaa 380 xarumo laga shakisan yahay oo ku yaalla gobolka Xinjiang – oo qaarkood ay 40% ka badan yihiin qiyaastii hore loo sameeyay.

Shiinaha ayaa sheegay in ujeeddadiisa ay tahay wax ka qabashada saboolnimada iyo xagjirnimada gobolka Xinjiang.

Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ugu yaraan hal milyan oo qof lagu hayo xerada.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in 100 xeryo oo dheeraad ah ay jiraan, sida lagu helay baaritaan la sameeyay iyadoo la adeegsanayo sawirro lagu qaaday satellite-ka, wareysiyo lala yeeshay goobjoogeyaal, wararka warbaahinta iyo dokumentiyo rasmi ah.

In ka badan 60 xarumo dadka lagu hayo ah ayaa la dhammeystiray intii u dhaxaysay July 2019 iyo July 2020, halka 14 kalena ay weli dhismo ku socoto, sida warbixinta lagu sheegay.