Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo howlgallo qorsheysan fuliyay

0
87

Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 5-aad, Qeybta 27-aad ayaa howlgalo qorshaysan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen inay Ciidamada sigaar ah howlgalka uga sameeyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Beledweyne iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen Ciidanka intii uu howlgalka socday inay bur-buriyeen goobo badan oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab ,isla markaana dadka ay lacago uga qaadi jireen.

Wadada u degmooyinka Beledweyne iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab, kaddib markii ay Al-Shabaab Ciidanka Dowladda ku qaadeen weerar jidgal ah.