{DAAWO SAWIRADA} FAAH FAAHIN Dagal Ka dhacay Dagmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

0
674

Dagaal Xoogan oo u dhaxeeyo Al  shabaab iyo Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhaxe ka dhacay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan,

dagaalkan oo dhacay xalay saqdii dhaxe ayaa waxaa ka dhashay qasaaro dhimasho iyo dhawaac sida ay dadka deegaanka Hiiraanweyn u shegeen

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al.shabaab ay weerareen Saldhiga Booliska degmadaasi iyo guriga gudoomiyaha Dagmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Cagajoof dabaashe waxana ay al shabaab miino ay ku xireen guriga gudoomiyaha sida ay hiiraanweyn u sheegeen dadka deegaanka

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howlgalo balaaran ka wado Xaafadaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.