DEG DEG: Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle oo la dhaariyay

0
99

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa goordhaw si rasmi ah loogu dhaariyay xilka loo idmaday, kadib xaflad ka dhacday magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo kamid yahay wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle iyo Guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka.

Ugu danbeyntii guddoomiyaha Maxkmadda Rafcaan Hirshabeelle ayaa dhaariyay Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka kooban 99 Xildhibaan, halka markii horey ay u ahaayeen 90, hayeeshee dib looga soo daray xubnahaas oo horey aan loo shaacin.