Dowladda Somalia & Hir-Shabeelle oo ka wada hadlay Arrimaha fatahaadaha

0
112

Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu kula kulmay  Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan.

Labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen Arrimo la xiriira fatahaadaha soo noqnoqday ee degaannada Hir-Shabeelle gaar ahaan fatahaadaha ay kumanaanka qoys ka barakaceen ee Magaalada Beled.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya & Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sigaar ah waxaa ay diirda u saareen Mashruuca biya xireenka Beledweyne, kaas oo dhismihiisa dhawaan bilaabn doono.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa Wasiirka Wasaaradda Beeraha xukuumadda Soomaaliya waxaa uu ka dalbaday inay xal u keento fatahaadaha kusoo laab laabtay magaalada Beledweyne oo sanadkiiba laba jeer ay ka barakacaan kumanaan qoys.