Faah faahino dheraad ah ayaa kasoo baxaya Dil ka dhacay Gaalkacyo

0
68

Faah faahino dheraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dil kooxo hubeysan ay xalay Nin Dhalinyaro ahaa ugu geysteen  Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyaga oo dilka, kaddib goobta ka baxsaday.

Ninka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Siciid Jaamac Maxamed (Siciid Maradona) ayaa argga hubeysan waxaa ay ku dhex dileen Gudaha masjidka Abuu Hurayra ee xaafada Israac,sida ay sheegeen dad ku sugan Magaalada Gaalkacyo.

Majirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka loo geystay Wiilka Dhalinyarada ahaa iyo sababata loo dilay, hayeeshee waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, hayeeshee dad yaqaanay Ninka la dilay ayaa waxaa ay sheegeen in uu ahaa taksiile caan ah oo ka dhex-shaqeyn jiray magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ayaa xalay ilaa saaka waxaa ay Xaafada Israac ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ka wadan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilkaas, waxaana lagu soo waramayaa inay dad farabadan ku qabqabteen howlgalkaas.