Galmudug oo gudbisay Xubnaha ku matalaya Guddiga doorashooyinka

0
65

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa gudbiyay Xubnaha Galmudg ku matalaya Guddiga doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka.

Xubnaha uu Madaxweyne Qoor Qoor gudbiyay oo Afar ah ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay,

1-Garaad Yuusuf Maxamuud-Xubin Gudigga Xalinta khilaafaadka.

2-Mustaf Macalin Cali Salaad-Xubin Gudigga Xalinta khilaafaadka.

3-Cabdicasiis Cabdiraxmaan Yuusuf-Xubin Gudigga Doorashooyinka.

4-Liibaan Axmed Xassan-Xubin Gudigga Doorashooyinka.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu wareegto kusoo saaro Xubnaha guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka, waxaana ilaa iyo hadda gudbiyay Xubnaha matalaya Dowlad Goboleedyada, Koonfur Galbeed, Jubbaland, Puntland & Galmudug, waxaana kaliya harsan Maamulka Hir-Shabeelle oo doorashooyin u diyaar garoobaya.