Jubbaland oo maalmo, kaddib war kasoo saartay Dilkii maamulihii Bangiga Amaal

0
90

Dowlad Goboleedka Jubbaland oo War-saxaafadeed kasoo saaray dilkii Magaalada Kismayao ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose loogu geystay 26-kii Bishaan maamulihii Bangiga Amal ee Magaalada Kismaayo Cabdullaahi Cabdisalaan Sheekh Axmed (Shigshigow)..

Shir deg-deg ah oo ay Golaha Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland isugu yimaadeen, kaas oo uu shir guddoominayay madaxwayne ku-xigeenka labaad ahna kusimaha Madaxwaynaha Jubbaland ayaa waxaa lagu amray hay’addaha amniga in sida ugu dhakhsiyaha badan lagu soo dhamaystiro baaritaanada ay wadaan ee la xiriira dilkaas.

Golaha ayaa sidoo kale  waxaa uu u tacsiyadeeyay ehelkii, Carruurtii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuum Cabdullaahi Cabdisalaan Sheekh Axmed (Shigshigow).

War-Saxaafadeedka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in Golaha Amniga Jubbaland ay la wadaagi doonaan tiiraanyada Ehelka Cabdullaahi Cabdisalaan Sheekh Axmed (Shigshigow).

Majirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda dilka Magaalada Kismaayo loogu geystay dhawaan maamulihii Bangiga Amal ee Magaalada Kismaayo Cabdullaahi Cabdisalaan Sheekh Axmed (Shigshigow), waxaana ehelkiisa ay sheegeen inay jirtay farriimo hanjabaad ah oo loo soo diri jiray.