Lionel Messi oo ku guuleystay abaalmarintiisii ugu horreysay ee xilli ciyaareedkan

0
141

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku guulaystay abaalmarintiisii ugu horaysay ee shaqsi ahaaneed xilli ciyaareedkan ee kooxdiisa Barcelona.

Messi ayaa ku guuleystay abaalmarinta goolkii ugu fiicnaa bishii Sebtember ee la soo dhaafay kooxda Barcelona.

Lionel Messi ayaa goolkan ka dhaliyay inta lagu gudi jiray kulankii saaxiibtinimo ee kooxaha Barcelona iyo o Girona, waxayna taageerayaasha u codeeyeen inuu yahay goolkii ugu fiicnaa kooxda, kaddib markii ay codkooda ku dhiibteen website-ka Blaugrana.

Barcelona ayaa ciyaartay 4 kulan intii lagu jiray bishii Sebtember, oo ay ku jiraan 3 kulan oo saaxiibtinimo oo ay la ciyaareen Nastic Tarragona, Girona iyo Elche, marka lagu daro ciyaar ka tirsan horyaalka La Liga oo ay la ciyaareen Villarreal.

Goolka Messi wuxuu garaacay labadii gool uu ka dhaliyay Ansu Fati kulankii Villarreal, iyo sidoo kale goolkii uu Philippe Coutinho ka dhaliyay  kulankii saaxiibtinimo ee Girona.