Luis Enrique oo ammaanay Cristiano Ronaldo. Muxuuse ka yiri Lionel Messi?

0
166

Tababaraha xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa ammaanay xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, kaddib kulankoodii xalay ay ku wada ciyaareen magaalada Lisbon.

Xulalka Portugal iyo Spain ayaa xalay kulan saaxiibtinimo oo aad u xiiso badan ay wada ciyaareen wuxuu ku dhamaaday barbardhac 0-0 ah.

Dhinaca kale Luis Enrique ma uusan ilaawin laacibkiisii ​​hore ee Lionel Messi, oo uu tababare ugu soo noqday kooxda Barcelona, markii uu ka hadlayay Cristiano Ronaldo.

Luis Enrique ayaa u sheegay shabakada “RTP” ee dalka Portugal kaddib ciyaarta:

“Waxaan u maleynayaa in waxa ugu muhiimsan ay tahay arrinta Ronaldo, inkastoo ay ka soo wareegatay sanado badan, haddana wuxuu wali sii wadaa inuu bixiyo heerarka ugu fiican, si la mid ah Lionel Mess”.

“Rikoorrada waxay xaqiijinayaan waxaan dhahayo, waxayna cadeyneysaa in waqtiga uusan saameyn ku yeelan Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ilaa iyo haatan”.

Intaas kaddib Luis Enrique ayaa ka hadlay kulanka dhex maray xulalka Portugal iyo Spain wuxuuna yiri:

“Waxaan fursad u helnay inaan guuleysano, sidoo kale Portugal, waxaana u maleynayaa inaan ciyaarnay kulan heer sare ah oo diiradda la saaray”.

“Natiijada ciyaarta haddii ay cadaalad tahay iyo haddii kaleba, taasi micno ma leh, Waxaan la soo baxnay qodobo badan oo wax ku ool ah”.