Madaxweynaha Galmudug oo Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya la kulmay

0
68

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan iyo wafdi la socday oo gaaray Dhuusamareeb.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan  oo ay kamid yihiin Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan dhammadka sanadkaan 2020/2021,  xoojinta amniga iyo Iskaashiga Dowladda Federaalka iyo Galmudug.

Madaxweyne Axmed  Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa James Swan iyo wafdiga la socday uga mahadceliyay socdaalka ay Maanta ku tageen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Sidoo kale ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wakiiladda Beesha caalamka sida; EU Nicole Miller, AU Francico Madeira iyo  IGAD Jamaal Axmed, kuwaasi oo kamid ahaa wafdiga uu hogaaminayay James Swan.

Wakiilka QM ee Soomaaliya iyo xubno sare oo ka socday Beesha Caalamka ayaa dhawaan socdaal ku tegay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, iyagoona kulan al qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicsiis Lafta-gareen.