Madaxweynaha Somaliland Oo Gaaray Magaalada Berbera.

0
73

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaaran oo uu hoggaaminayo oo ka amba baxay Hargeysa ayaa duhurnimadii Maanta gaaray Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ee Somaliland, iyadoona lagu soo dhaweeyay halkaas.

Intaas kaddib, Madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisu ayaa waxaa ay kormeer ku tageen marsada cusub ee Berbera casriyeynteedu si xawli ah u socoto, waxana halkaas kusoo dhaweeyey maamulka iyo hawl-wadeennada dekedda Berbera, isaga oo Muuse Biixi xarriga ka jaray Taag cusub oo casri ah oo dekedda loo soo iibiyey.

Maareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi oo hormuud u ahaa madaxdii madaxweynaha iyo weftigiisa kusoo dhaweysay gudaha dekedda Berbera, ayaa si kooban uga warbixiyey dedaallada ay maamul ahaan ugu jiraan horumarinta dekedda iyagoo fulinay siyaasadda madaxweynaha ay isaga xil saareen inay dekeddu hesho dhammaanba adeegyada Aas-Aasiga u ah shaqada ballaaran ee ay dekeddu gobolka u hayso.

Afhayeenka madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo warbaahinta la hadlay, ayaa shacabka iyo maamulka Gobolka iyo Berbera uga mahadnaqay sida ay u sooo dhaweeyeen Madaxweynaha iyo wafdigii la socday.