Masuuliyeen ka Tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Gaaray Magaalada jowhar.

0
151
Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamanka Hirshabelle Cabdi Xuseen Geedi Ayaa Goordhaw Gaaray Magaalada Jowhar Ee Caasimada Maamulka Hirshabeelle.
Sidoo Kale Wafdiga Waxaa Qeyb Ka ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Amniga Maamulka Gobolka Hiiraan Mudane Maxamed Meeris Isaaq oo Maalmihii u Danbeeyay Kusugnaa Magaalada Muqdisho.
Inta Badan Masuuliyiinta ugu Sareysa Maamulka Hirshabeelle Ayaa Kusugan Magaalada Jowhar Marka Laga Reebo Madaxweynaha Maamulka Maxamed Cabdi Waare.
Jowhar Ayaa Maalmaha Soo Socda Marti Galineysa Doorashooyinka Maamulkaas oo Xilligan Si Habsami Leh uga Socda isla Magaalada Jowhar.