Qarax ka dhacay Gobolka Galgaduud & faah faahin laga helayo

0
106

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax lagula eegtay duleedka Magaalada Dhuusamareeb Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa lala eegtay Gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya xilli ay marayeen degaanka birta dheer oo ku yaalla wadada laamiga ah ee u dhaxeeysa degmooyinka Dhuusamareeb & Guriceel.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay aqlayeen jugta qaraxa, isla markaana uu jiro khasaaro kala duwan oo ka dhashay qaraxaas, basle aysan weli cadeyn Karin.

Ciidamada qaraxa lala beegsaday oo ka baxay Magaalada Dhuusamareebn ayaa sida la sheegay waxaa ay ku wajahnaayeen degmada Guriceel ee Gbolka Galgaduud, iyaga oo socdaalkooda sii watay.