SAWIRRO: Dibadbax looga soo horjeeday dowlada Faransiiska oo Baledweyne ka dhacay

0
295

Banaanbax looga soo horjeeday hadalkii gafka ahaa ee loo geestay Nabigeena Maxamed NNKH iyo dowlada Faransiiska ayaa maanta waxa uu ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dadka dhigayay banaan baxa ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin erayo ka dhan ah Faransiiska, iyaga oo sidoo kale gubayay sawirka madaxweyne Emmanuel Macron .

Waxa dibad baxa qeyb ka ahaa ganacsatada magaalada, arday  iyo culumaaa udiin, waxana ay sheegen dhamaan inay joojin doonaan ka ganacsiga badeecadaha ka yimaadda dalka Faransiiska.

Ololaha qaadacaadda alaabta uu soo saaro Faransiiska ayaa ku baahay dalal badan oo Carab ah, taa oo ka dhalatay hadalkii Madaxweynaha dalkaas Maron ee ka dib weerarkii lagu dilay macallimkii ardeydiisa tusay sawir lagu sheegay Nabi Maxamed NNKH.

Waxay arrintani imaaneysaa kaddib markii 16-kii bishan Oktoobar gudaha Faransiiska lagu dilay macalin la oran jiray Samuel Paty. Ka hor dilka macalinkaas, Madaxweyne Macron wuxuu islaamka ku tilmaamay diin qalalaase ku jirta isla markaana wuxuu ku dhawaaqay qorshe uu ku sheegay in uu kaga hortagayo ‘Islaamiyiinta doonaya gooni u goosadka.