SAWIRRO: Dhalinyarada Beesha Yabar Madaxweyne Oo Doortay Gudoomiye

0
418

Kulan ballaaran oo ay maanta ku yeesheen Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan dhallinyarada beesha Yabar Madaxweyne oo kamid ah beelaha Xawaadle ayaa waxay ku doorteen guddoomiyaha dhallinrada beesha Yabar Madaxweyne waxaana xilkaasi loo doortay  Axmed Cabdulaahi Caddow (juumow) guddoomiyaha cusub ee dhalinyarada beesha Yabar Madaxweyne waxaana ku xigeenkiisa loo doortay Ismaciil Sugaal Xasan (Isteeli) waxaana afhayeenka dhalinyarada beesha loo doortay Cabdulle Muuse Qoodaale .

Guddoomiyaha cusub ee dhalinyarada beesha Yabar Madaxweyne Axmed cabdulaahi cadow juumow iyo ku xigeenkiisa Ismaciil Isteeli iyo xubnaha kale ayaa goob fagaare ah ka ballan qaaday iney kasoo baxi doonaan masuuliyadda culus ee loo dhiibay isla markaana ay ka shaqeyn doonaan horumarka dhallinyarada beesha iyo deegaanada aay beesha degto.

Xaflada lagu caleema saarayay hogaanka dhalinta beesha Yabar Madaxweyne waxaa goob joogayaal ka ahaa qeybaha kala duwan ee beesha Yabar Madaxweyne sida Odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada culuma’udiinka,haweenka kuwas oo dhamaantood taageeray dhalinyarada maanta loo doortay hogaanka dhalinyarada beesha Yabar Madaxweyne.