SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay xukuumada cusub ee R/wasaare Rooble

0
112

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Golaha Xukuumadda ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh, doorka muuqda ee uu ka siiyey dhallinyarada, haweenka iyo sida uu xoogga u saarayo sii amba-qaadidda guulihii horumarineed ee dalku uu gaaray sanadihii la soo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay xukuumada cusub ee xalay uu soo dhisay R/wasaare Rooble ayaa bogadiyay, waxana uu kula dardaarmay dardar galinta howlaha adag ee horyaala iyo inay sii wadaan guulaha dalka.

Kulanka oo ah midkii ugu horreeyay uu Madaxweyne Farmaajo la qaato Golaha Wasiirada xalay lagu dhawaaqay ayaa waxaa uu ahaa mid salaan iyo Is-barasho ah.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Ra’iisul Wasaare Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh, doorka muuqda ee uu ka siiyey dhallinyarada, haweenka iyo sida uu xoogga u saarayo sii amba-qaadidda guulihii horumarineed ee dalku uu gaaray sanadihii la soo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, si loo dardar geliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Xukuumadda, loona gaarsiiyo dalka doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoonta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga rajeeyey Golaha Xukuumadda ee la magacaabay in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee hortaalla, kana yeelo Gole si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeega shacabka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirada magacaaban ee Xukuumadda ayaa ka kooban 27 Wasiir, waxaana la filayaa in Codka kalsoonida ah ay u qaadan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka, si loo ansixiyo.